Wararka laga helayo koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dawladdu oo ay taageerayaan kuwa hawgalka midowga Afrika iyo ciidamo Maraykan ah ay saaka hawlgal milatari ka bilaabeen deegaanada ay ku xooganyihiin Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkan ayaa ah kii ugu weynaa ee ay wada qaadaan huwanta ciidamada Soomaaliya, AMISOM iyo Mareykanka, iyadoo Gobolka Shabeelada hoose uu yahay kan ugu weyn ee ay ku xoog badan tahay Alshabaab.
Sida ay ku waramayaan dadka deegaanka, kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamo Maraykan oo ah ka baxay saldhiga garoonka Balidoogle ayaa gaaray tuulada Bariire oo ay horey gacanta ugu hayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale kolonyo milatariga Soomaaliya ah oo ay la socdaan ciidamada hawlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM ayaa iyaguna gaaray isla tuulada Bariire iyagoo ka baxay deegaanka lambar 50 ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.
Inkastoo meelaha qaar la maqlay qaraxyo, haddana ma jiraan wax war ah oo laga hayo khasaaraha ka dhashay ka dhashay dullaankani.
Lama oga inay ciidamadan ka bixi doonaan goobaha ay ka qabsadeen kooxda Alshabaab iyadoo ay hore sidan oo kale weerarro u qaadeen kadibna ay dib uga laabteen goobihii ay qabsadeen.