Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ay hor istaageen maalimtii labaad kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Maamulkaasi.
Ciidamada ayaa u sheegay Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Galmudug inaysan geli karin Xaruntii ay ku shiri lahaayeen ee madaxtooyda Magaalada Cadaado.
Qaar ka mida xidhibaannada Galmudug ayaa sheegay in ciidamada falkan kula dhaqaaqay ay yihiin kuwo aan hor u joogin xarunta Madaxtooyada oo dhowaan la keenay Albaabka hore ee madaxtooyada si xildhibaannada loogu diido inay shiraan.
Baarlamaanka Galmudug ayaa howlgab ah kadin markii madaxweyne Xaaf uu amar ku siiyay ciidamada Cadaado ku sugan inay hor istaagaan shirarka Baalamaanka Galmudug inta ay jirto xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan madaxda maamulkaasi.
Dhinaca kale Qaar kam ida golaha wasiirada Galmudug oo shir ku yeeshay Cadaado ayaa soo saaray amarro ay ka mid yihiin aan la qaban karin shirar siyaasaadeed inta ay jirto xiisadda madaxda Galmudug.
Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf oo Imaaraadka ku sugnaa ayaa la sheegay inuu maanta dib ugu laabanayo magaalada Cadaado.
Wadani