Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgallo ka bilaabay degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe, iyadoo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraaal Odawaa Yuusuf Raage.
Degaanada ay gaareen ciidamada waxaa ka mida tuulooyinka: War dhagax, War-ciise, Gaal-leef, Qoordheere, Jilable iyo Cali Fooldheere oo hore ay uga talin jireen Maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Waraka ayaa sheegay in maleeshiyada Alsahbaab ay isag baxeen degaanadaasi iyadoo aanu wax dagaal ah ka dhicin, marka laga reebo halk tuulo oo dagaal ku dhex maray labada dhinac, kadibna laga saaray Alshabaab.
Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Sare Cali Xaashi ayaa sheegay in maleeshiyaadkii Alshabaab ay isaga carreen degaanadaasi, laga gaarsiiyey qasaare kala duwan.
Howlgalka ayaa weli socda, wuxuuna yimid xilli ay Alshabaab khalkhal geliyeen caasiada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.

