Ciidanka kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa Howlgal gaar ah ku burburiyay saldhigii ugu weynaa ee Maleeshiyada Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen degaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada kumaandooska ayaa howlgalkooda ku beegsadya degaanka Leego oo Alshabaab la sheegay inay ka abaabuli jireen Qaraxyada iyo Weerarada. Sarkaal ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa sheegay in howlgal gaar ah Ciidamadaasi ay ka fuliyeen Deegaanka Leego ay ku bur buriyeen saldhig Al-shabaab ay lahayeen, waxaana ay dileen in kabadan 10 dagaalame, dhaawacana intaas uu ka badan yaha, isaggoo tilmaamay in gacanta ay ku dhigeen Hub iyo Gaadiidka dagaalka.
Taliyaha Ciidanka Kumaadooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, G/sare Ahmed Cabdullahi sheekh ayaa isna inoo sheegay in Ciidanka ay kordhiyeen Howgalka iyo weerarada ay ku bartilmaamedsanayaan Kooxda Itaalka daran ee Alshabaab, waxaana dadka shacabka ah uu ugu baaqay in Ciidanka ay ku gacan siiyaan soo sheegida Horjoogeyaasha iyo Maleeshiyaadka firxadka ah ee dhulka hoodka ah ku dhuumanaya.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Alshabaab oo ku saabsan howlgalka lagu qaaday xarumahoodii degaanka Lego.