Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Ciladihii Xil wareejin la’aanta Kheyre oo kusoo baxay Ra’iisal Wasaare Rooble (Dhagax-dhig yaab leh..!)

    Ciladihii Xil wareejin la’aanta Kheyre oo kusoo baxay Ra’iisal Wasaare Rooble (Dhagax-dhig yaab leh..!)

    October 15, 2020Updated:October 26, 20203 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ee aan weli soo Golihiisa Wasiirada ayaa maanta 15-ka Oktoobar 2020 la shaaciyey inuu dhagax dhagax dhigay xarunta Gurmadka Qaranka oo uu hore u dhagax dhigay Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

    Xaruntan oo baahideeda soo baxday kadib qaraxii 14-ka Oktoobar 2017, ayaa leh taariikh dheer oo dhaqaale loogu raadiyay iyo isbedel ku dhacay goobta laga dhisayo, iyadoo dhagax dhigga maanta uu muujinayo inuusan Ra’iisal wasaare Rooble ka warqabin waxqabadkii xukuumadii ka horeysay maadaama aanu xilka kala wareegin Ra’iisal wasaarihii ka horeeyay.

    -Waxaa khudbadii Ra’iisal wasaaraha ka muuqatay in la marin habaabiyey markii uu sheegay in baahida dhismaha xaruntan ay soo baxday markii uu booqday Isbitaallada Banaadir, Martiini iyo Yardemeli 11-kii bishan Oktoobar 2020 (Afar maalmood ka hor dhagax-dhiggii maanta)

    Dib u eegis aanu ku sameynay mashruuca dhismaha xarunta Gurmadka Qaranka ayaa waxaa soo baxday xaqiiqooyinka soo socda:

    -Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa bartamihii September 2019 shir uu la yeeshay xubno ka socda Dowladda Sweden iyo hay’adda UNFPA waxa uu ku qanciyey in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka taageeraan dhismaha Xarunta Qaranka ee Gurmadka Degdegga ah (XQGD).

    – Muddo Bil ka dib, 13-kii Oktoobar 2019, ayuu Ra’iisul Wasaare Khayre dhagax dhigay xarumo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Bangiga Dhiigga iyo Xarunta Qaranka ee Gurmadka Degdegga ah, waxaana markaasi xaruntani Gurmadka loo qorsheeyey in laga dhiso Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo ay degan tahay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinku. Halka Bankiga dhiigga laga dhagax dhigay Isbitaalka Banaadir.

    – Waxaa la go’aamiyey in Dhismaha xarunta Gurmada Qaranka laga wareejiyo Xarunta Hargaha iyo Saamaha, loona wareejiyo Dugsigii Sare ee Banaadir oo markaas uu ka guuray Isbitaalkii Deva. 19-ka Janaayo 2020 ayuu wareegto uu Ra’iisul Wasaare Kayre soo saaray (XRW/019/01/2020), ku faray in Guddiga Qaran ee Gurmadka Degdegga ah in lagu wareejiyo Isbitaalka Deva (Ex Dugsi Sare Banaadir) si looga dhiso Xarunta Qaranka ee Gurmadka Degdegga ah. Warqaddaan oo ku socotay Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa mas’uuliyiintii loo diray fuliyeen 26kii Janaayo, waxaana isbitaalka si rasmi ah loogu wareejiyey guddiga gurmadka degdegga ah.

    – Wixii markaas ka danbeeyey waxaa dhismaha xarunta taageero dhaqaale oo gaaraya 2 Milyan Doollar looga helay dalka Sweden. Guddiga Qaran ee Gurmadka Degdegga ah ayaa ku jiray dhismaha xaruntan oo shirkadii dhisi lahayd Qandaraaska la siiyey, isla markaana waxaa socday howsha dhismaha inta uu dhicin Cudurka Covid-19 oo hakad geliyey shaqada.

    – Hirgelinta xaruntan ayaa ahayd qorshe dadweynaha Soomaaliyeed la socdeen, waxayna ka mid ahayd tallooyinkii dowladda loo soo jeediyey kadib qaraxii dadka badan ku hoobteen ee Oktoobar 14, 2017.

    Waxay dad badan la yaabeen in maanta 15-ka Oktoobar 2020 uu Ra’iisul Wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo mar kale xaflad u dhigay dhagax-dhigga isla Xaruntii sanad ka hor la dhagax dhigay, taasoo caddeyn ua ah inaan Ra’iisul Wasaaraha wax xil ah lagu wareejin, kana ka war hayn shaqooyinka la soo qabtay iyo kuwa hadda socda.

    Image
    Dhagaxxdhig Gurmadka Kheyre Maxamed Xuseen Rooble Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous Article2016 Maanta oo kale: Kursigii ugu horeeyay Aqalka Sare oo la doortay (Musharixiinta ku tartamay & Kharashka…)
    Next Article Xasan Sheekh: “Diyaar ayaan u nahay Doorashada, Afartii sano wax kaleba kama shaqeyneynin…”

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo