Ciyaartii ugu xiisaha badneyd inuu bilowday tartanka Koobka maamulada dalka ayaa galabta ku dhex maray garoonka Konis Stadium
ee magaalada Muqdisho kooxaha Banaadir iyo Puntland iyadoo la isku mari waayay.
Ciyaarta oo daawashadeeda ka soo qeyb galeen kumanaan ruux oo ka kala yimid degmooyinka Muqdisho ayay labada kooxood kusoo bandhigeen ciyaar adag oo ay jecleysteen dadkii Ddawanayay, waxayna qeybtii hore ku idlaatay Hal goob iyo Eber oo ay ku hormartay kooxda Puntland.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayay labada kooxood ay lagu dhaliyay saddex gool, waxayna ugu danbeyntii ku dhammaatay barbarro 2-2.
Kooxaha Puntland iyo Banaadir ayaa ka soo baxay wareega labaad waxaana hartay Kooxda Koofur Galbeed oo aan wax guul ah gaarin, waxaana goolal tirsi kaalinta koowaad ku soo baxay Banaadir.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com