Dhowaan waxaa awood aan hore loo arag la soo baxay xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir oo xilkiisa muran ka taagan yahay iyo hanti dhowrka Guud oo isna sharcigii uu ku shaqeyn lahaa aan weli laga ansixin Baarlamaanka, waxayna soo wada saareen go’aan safaradda dibadda looga joojinayo xubnaha golaha wasiirada xukuumada C/weli Sheekh Axmed ee kalsoonida weyday.
Inkastoo si weyn loo soo dhoweeyay in lala xisaabtamo mas’uuliyiinta dowladda ee caadeystay inay hantida qaranka ku takri falaan, haddana waxaa su’aalo badan ka yimaadeen howgalka labadan mas’uul oo siyaabo kala duwan loo arkay, waxaana soo if baxay inaysan waxba ka qaban karin madaxweynaha iyo kooxdiisa oo awood fara badan iyo dhaqaalihii umadad maamusha.
Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka C/KARIIN XUSEEN GUULEED oo ka mida saaxiibada ugu weyn madaxweynaha, loona magacaabay jagada la-taliyaha madaxweynaha, markii uu waayay xilkii wasiirnimo, laguna eedeeyay waxqabad xumo, wuxuu ka mid yahay mas’uuliyiinta ugu shaqada badan ee dowladda isagoo si toos ah ugu xiran madaxweyne Xasan Sheekh.
C/kariin wuxuu weli degan yahay dhismihii dowladda ee uu deganaa markii uu wasiirka ahaa, waxaana u xiro wado muhiim u ah isu socodka bulshada, waxaa kaloo uu heystaa gawaari tiro badan iyo ciidan aan yareyn oo isaga ammaankiisa suga, kuwaasoo ay ka mid yihiin laba gaari oo ah kuwa aan xabadda karin ee qaaliga ah. Wuxuu sidoo maamulaa hantida qaranka ee lagu helo deeqaha dibadda.
Waxaa wax lala yaabo ah in wasiiro badan oo ka mida xukuumadda aanay heysan wax u dhow awoodda, hantida iyo ciidanka dowladeed ee uu haysto wasiirkan hore, waxaan suuragal noqon weyday inuu hantidaas ku wareejiyo wasiirkii ka dambeeyay ee xilka loo magacaabay Khaliif Axmed Ereg.
Arirmahan oo dhami waxay shaki gelinayaan daacadnimada dadaalka ay wadaan xeer ilaaliyaha qaranka iyo hanti dhowrka oo kaliya lagu aamini doono marka la arko iyagoo tallaabo ka qaadaya xubnaha ku xeeran madaxweynaha ee noqday LA-MADAXWEYNAYAASHA ka awood badan dhammaan Golaha wasiirada.
Wadani.com
Muqdisho-Somalia
[ad name=”HTML”]