Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe ayaa magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamul goboleedka Soomaalida Itoobiya ku kulansiiyay madaxweynayaasha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Kilinka Shanaad Cabdi Maxamuud Cumar.
C/kariin Guuleed ayaa gaaray magaalada Jigjiga, taasoo qeyb ka ah dadaal uu Axmed Madoobe u galay xalinta dagaallo xuduudka labada maamul ku dhex maray dad shacab ah iyo ciidamada Liyuu Booliska Soomaalida Itoobiya.
Axmed Madoobe, Cabdi Maxamuud Cumar iyo C/kariin Guuleed ayaa si wadajir ah kulan uga bilowday magaalada Jigjiga, waxaana sawirro laga soo qaaday ay muujiyeen iyagoo farxad aan la qiyaasi karin ka muuqtay.
Wadani.com ayaa hore u soo werisay in Axmed Madoobe u tegay Jigjiga waanwaan uu ka dhex wado maamulada Galmudug iyo Kilinka shanaad ee Itoobiya.
Wadani.com