Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa galabta ka degay Garoonka Diyaaradeed oo ku yaala Magaalada Gaalkacyo qeybta Maamulka Galmudug, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu ka dego garoonkaasi.
C/kariin Guuleed ayaa waxaa garoonka Gaalkacyo kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkiisaa iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ka dhoofay magaalada Muqdisho isagoo ahaa mas’uulkii ugu danbeeyay ee ka taga Muqdisho kadib shirkii wadatashiga.
Mas’uuliyiinta la socotay wafdiga madaxweynaha Galmudug waxaa ka mid ahaa Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) madaxweynihii horee Galmudug iyo wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug.
Isagoo ka hadlay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayuu sheegay in maamulkiisa uu doonayo nabadgelyo uu kula noolaado deriskooda Puntland, wuxuuna farriiin nabadeed u diray dhigiisa Puntland C/weli Gaas isagoo ugu baaqay inay nabadda qaadato, lagana wada shaqeeyo sidii labada maamul iyo labada shacab ay wadajir nabad ugu wada noolaan lahaayeen.
Wadani.com