Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dib uga laabtay Magaalada Cadaado kadib markii uu Muqdisho kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz.
Madaxweyne Guuleed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Kulan dhexmaray Galmudug iyo Dowladda Mareykanka oo ka dhacay Magaalada Muqdisho uu Guul ku soo dhamaaday islamarkaana Mareykanka iyo Galmudug ay Heshiis ka gaareen Duqeyntii lagu dilay Ciidamada Galmudug ee ka dhacday Bishii hore ee September Bariga Gobolka Mudug.
Dhinaca kale Madaxweynaha Galmudug ayaa ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, isagoo sheegay inuu ka xun yahay dagaalkaasi.
“Galmudug marna Colaad iyo Dagaal wax ku raadin meyso,waxaan u taagan nahay in aan Nabadda ka shaqeyno oo Dadka kuwada Nool Gobolka Mudug ay Nabad helaan”ayuu yiri C/kariin Guuleed Madaxweynaha Galmudug.
Heshiiska Mareykanka iyo Galmudug dhex maray ayaan la shaacin waxa uu yahay, laakiin wararka aya sheegaya in Mareykanku bixinayo magdhowga askartii lagu dilay duqeyntii degaanka Jeexdin.
Wadani.com