Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulkaasi Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed lagu wado inuu saaka socdaalkiisii ugu horeeyay ku tago Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka galgaduud.
Ujeedada safarka C/kariin Guuleed ayaa lagu sheegay wadahadal uu la yeelan doono odayaasha degaanka Caabudwaaq iyo xubno ka tirsan ururka Ahlu suna ee ka baxay shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug.
Odayaasha degaanka Caabudwaaq iyo qeyb ka tirsan Ahlu suna oo fadhigoodu yahay Caabudwaaq ayaa kasoo horjeeda maamulka cusub ee uu hogaamiyo C/kariin Guuleed iyagoo dhaliilay sida wax uga dhaceen doorashadii Cadaado.
Waa safarkii ugu horeeyay ee madaxweynaha Galmudug uga baxo magaalada Cadaado, waxaana la filayaa inuu waanwaan la galo dhinacyada ka horjeeda maamulkiisa.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]