Madxaweynihii hore ee maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa taageeray baaqii kasoo baxay maamulka Ahlu suna oo ku saabsanaa in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug.
Qoraal uu soo diray C/kariin Guuleed ayaa sheegay inuu si buuxda u soo dhoweynayo warka wanaagsan ee Ahlu Sunna ka soo yeeray, wuxuuna soo jeediyay inaan Doorashooyinka Galmudug lagu degdegin.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA C/KARIIN GUULEED
TALO SOO JEEDIN
Ayadoo laga Anbaqaadayo wararka niyadwanaaga iyo yadadiisha leh ee ka soo baxay Maamulka Ururka Culumada Ahlu Sunna, lana tixgalinayo taladii Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre, lagana faaideysanayo casharadii laga bartay mashaakilaadkii la soo darsay Dowlad Gobaleedka Galmudug iyo khaladaadkii horay loo soo maray, ayaan waxaan Masuuliinta iyo Xildhibaanada iyo Dadweynaha Reer Galmudug-ba u soo jeedin lahaa tallooyinkaan soo socda:
1. In Masuuliinta Galmudug ay si niyad wanaag u soo dhaweeyaan warka yididiilladda leh ee ka soo yeeran dhanka Maamulka Culumada Alhu Sunna, ayna muujiyaan tanaasul kasta oo keeni kara maamul mideysan oo ka hana qaado Gobalada Dhexe.
2. Inaan lagu degdegin Doorashooyinka Galmudug oo fursad la siiyo jawiga wanaagsan ee haatan bilowday.
3. In Dowladda dhexe ay dadajiso dhameystirka wadahadalada labada dhinac si uu u soo baxo maamul Galmudug oo mideysan meeshana looga saaro kala qoqobnaantii iyo kala qeybsanaantii.
Wadani.com