Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»C/kariin Guuleed: “Sanadkan waxaan gacanta ku dhigeynaa dhammaan degaanada maamulka Galmudug hoos yimaada” WAR-SAXAAFADEED

    C/kariin Guuleed: “Sanadkan waxaan gacanta ku dhigeynaa dhammaan degaanada maamulka Galmudug hoos yimaada” WAR-SAXAAFADEED

    October 14, 20154 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa War-saxaafadeed uu soo saaray ku faahfaahiyay  waxqabadka maamulkiisa  iyo qorshaha  sanadkaan 2015 oo sida uu sheegay ku saleysan inay gacanta ku dhigaan dhammaan deegaanada maamulkaasi aanu ka talin xilligan.

    Madaxweyne Guuleed ayaa  dhinaca kale u hambalyeeyay ciidamada Galmudug ee dhowaan la wareegay degaanada Camaara iyo Bacaadweyn ee Mudug oo uu sheegay in ay yihiin kuwo muhiim ah.

    HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA MADAXWEYNAHA GALMUDUG


    Guuleed
    Madaxweynaha Galmudug

    Madaxweynaha Dowladda GalMudug ee Soomaaliya, Mudane Cabdikarim Xuseen Guled, ayaa ammaanay ciidamada GalMudug oo deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn maanta ka saaray kooxaha nabad-diidka ah. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Ciidamada GalMudug guushii maanta ay ka gaareen deegaanada Camaara iyo Bacaadweyn waa bilowga qorshaha kooxaha argagaxisada ah looga sifeynayo dhammaan deegaanada GalMudug, waxeyna mudan yihiin ammaan dhiirigelin iyo in laga taageero howlgalka soo celinta amniga iyo nabadeynta.”

    Madaxweynaha GalMudug ayaa xusay inay muhiim tahay in laga wada qeybgalo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada oo ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay howlgalka kaalin muhiim ah ka qaataan. Madaxweynaha oo arrinkan ka hadlaya ayaa yiri “Ciidamada GalMudug keligood kuma filna dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada, waxaana muhiim ah in la iska kaashado oo ciidamda Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay deegaanka GalMudug u soo gurmadaan si howlgalka u noqdo mid miro dhala oo u horseeda amni waara iyo xasilooni ka dhalata deegaanda GalMudug.”

    Madaxweynaha oo ka hadlaya qorshaha xasilinta ayaa sheegay inay jiraan deegaano fara ku turis ah oo loo baahanyahay in si deg-deg ah looga howlgalo. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Dowladda GalMudug waxaa ka go’an in dhamaadka sanadka 2015 dhammaan deegaanada GalMudug ay gacanta Dowladda soo galaan oo kooxaha nabad-diidka laga saaro. Deegaanadaas haray ayaa waxaa ka mid ah Xarardheere Ceeldheer iyo Galhareri.”

    Madaxweynaha GalMudug ayaa sidoo kale sheegay in shacabka GalMudug ay si aad ah u garab istaageen ciidamada. Madaxweyne Guled ayaa yiri “Waxaan shacabka GalMudug uga mahadcelinayaa taageeradooda joogtada ah oo ay u hayaan ciidamada iyo Dowladda Galmdug. Waxaana shacabka ugu baaqayaa inay taageeradooda sii xoojiyaan, isla markaasna ay u gurmadaan wallaalahooda ku waxyeeloobay dagaaladii maanta. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa shacabka ay ciidamada kala shaqeeyaan sugida amniga iyo nabadeynta.”

    Camaara iyo Bacaadweyn ayaa ah goobo istraatejiyad ah oo u dhaxeeya degmooyinka Cadaado iyo Hobyo oo labadaba muhiim u ah GalMudug. Madaxweyne GalMudug ayaa yiri “Howlgalka maanta waa bilowga qorshaha xasilinta deegaanada GalMudug bacdamaa aan mudnaanta koowaad siinay amniga iyo nabadeynta deegaanada GalMudug. Camaara iyo Bacaadweyn waa tuulooyin muhiim u ah deegaanka oo goobo istraatejiyad ah ku yaala, waxaana rajeynayaa in shacabka deegaanka gaar ahaan ganacsatada ay ka faa’iideysan doonaan fursadan goobaha istraatejiyada ah loogu soo celinayo gacanta shacabka iyo Dowladda GalMudug.”

    Madaxweyne Guled ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka iyo Beesha Caalamka inay ka shaqeeyaan nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta. Madaxweynaha ayaa yiri “Soo celinta amniga iyo nabadeynta deegaanka waa in marka hore kooxaha nabad-diidka ah ee diidan nidaamka iyo dowladnimada laga xorreeyo goobaha ay ku harsan yihiin. Qorshaha Dowladda GalMudug ayaa ah in cid allaale iyo cidii nabada ogol loo fidiyo gacan nabadeed iyo dib u heshiisiineed. Sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah in Beesha Caalamka ay mudnaan gaar ah siiso amniga iyo nabadeynta GalMudug oo ay nala soo gaaraan kaalmo suurtogelisa in shacabka deegaanka ay u helaan amni iyo nabadeyn la isk haleyn karo. Madaxweynaha ayaa ugu baaqey dhalinyarada la marin habaabiyey inay fahmaan inay heystaan fursad ay qoryaha isaga dhigaan oo ay nabadda ku-qaataan. Waxaana ugu baaqayaa shacabka inay kaalintooda ka qaataan sidii wiilashooda ay nabada u qaadan lahaayeen. Sidoo kale shacabka deegaanka waxaan ugu baaqayaa inay dowladda kala shaqeeyaan dib-u-heshiisiinta oo furo u ah horumarka iyo nabadeynta GalMudug.”

    DHAMAAD


     

    Wadani.com

    C/kariin Guuleed Galmudug
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTaliye ku xigeenka ciidamada AMISOM oo booqday Magaalooyinka Diinsoor iyo Baardhere
    Next Article Shanta wasiir ee wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo ku heshiiyay 10 qodob

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo