Waxaa sii kordhaya shakiga laga qabo cod bixintii Mareykanka ee uu ku guuleystay Donald Trumpt, kadib markii xirfad-yaqaano dhinaca Kombiyuutarka ah ay baaq soo saareen.
Aqoonyahannada dhinaca Kombiyuutarka ayaa Kooxda ololaha Hillary Clinton ayaa lagu booriyay inay dalbadaan dib u tirinta saddexda gobol ee kala ah: Wisconsin, Michigan and Pennsylvania.
Xirfad-yaqaanada Computer-ka ayaa aamiansan inay heleen caddeymo ku saabsan wadarta codadka laga dhiibtay saddexdaas gobol si khaldan loo xisaabiyay ama la xaday, waxaana warbixinta oo faahfaahsan loo gudbiyay la-taliyeyaasha Hillary Clinton.
Xirfad-yaqaanada Computer-ka ee arrintan keenay waxaa ka mida J. Alex Halderman, oo ah madaxda Jaamacadda University of Michigan xarunteeda Computer Security and Society, kaasoo qaba in arrimo badan oo is weydiin leh ay hareeyeen Mishiinada codadka tiriya.
Haddii ay dhacdo in Hillary Clinton ay dalbato dib u tirinta codadka Gobollada shakiga laga muujiyay waxay noqon doontaa xaaladda mid cakiran oo hubanti la’aan ay soo wajahdo natiijadii hore iyo guushii Donald Trump.
Wakaalado