Haweeneyda hore u soo noqotay wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka una dhaxda madaxweynihii hore ee dalkaasi Hillary Clinton ayaa ku guuleysatay inay noqoto musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga Dimoqraadiga, kadib markii ay heshay tirada ergada laga doonayay si ay u noqoto musharaxa xisbiga dimuquraadiga.
Sida ay shaacisay Wakaalada wararka AP tirada ay Hillary Clinton ka heshay ergada xisbiya oo hadda gaareysa 2,383 ayaa ku filan inay noqoto musharaxa xisbiga Dimoqraadiga.
Ergada loogu yeeray Super Delagates ayaan weli u codeyn Clintion iyagoo codkooda dhiiban doona Bisha July, waana arrinta uu ku dooanayo ninka loolanka kula jira inaysan weli guuleysan Hillaru Clinton.
Kullan olole oo Mrs Clinton ay ku qabatay magaalo ladhoho Long Beach waxay ka sheegtay guul aan caadi ahayn ay tahay. Laakiin waxay sheegeysaa in weli ay u taallo howl badan oo doorashada ka hor ay qabaneyso.
Ninka loolanka kula jira ee Bernie Sanders waxa uu sheegay in xilligan ay khalad tahay in tirada codbixiyayaasha lagu daro ergada gaarka ah, isagoo ku dooday in loolanku weli furan yahay.
Hillary Clinton ayaa noqon doonta haweeneydii ugu horeysay ee xisbiyada waaweyn ee Mareykanka ay musharax madaxweyne u doortaan haweeney.
Wadani.com