Cabdulaahi Maxamuud Cusmaan (Daanyeeroow) oo ku caan baxay “Ar Famaajo ii geeya” oo xalay loo geeyay, lana kulmay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka mid noqon doono shaqaalaha madaxtooyada Soomaaliya.
Ninkan ayaa xalay madaxweyne Farmaajo u sheegay inuusan dib ugu laaban doonin Jowhar, waxaana warar ku dhowdhow dadkii ninkan ka keenay magaalada Jowhar ay sheegeen inuu yahay qofkii ugu horeeyay ee uu shaqaaleysiiyo Madaxweyne Farmaajo.
Daanyeerow ayaa hore u ahaa beeralay ka mida dadka degan magaalada Jowhar waxaana mid ka mida gacanyareysaasha madaxweyne Farmaajo uu sheegay in codsi uu jeediyay Daanyeerow loo fulin doono.
HOOS KA DHAGEYSO WAREYSIGA VOA LA YEELATAY DAANYEEROW
Wadani.com