Maamulka Jubba iyo kooxda taabacsan Axmed Madoobe ayaa mar kale u magacaabay mas’uuliyiin cusub gobolka Gedo kadib xil ka qaadistii guddoomiyaha Gobolkaasi Maxamed Cabdi Kaliil oo ilaa iminka u xiran ciidamada Itoobiya.

Ku xigeenka Axmed Madoobe ninka lagu magacaabo Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo weli ku sugan Gobolka Gedo ayaa shalay magacaabay guddoomiye ku xigeenka Gobolka iyo dhowr guddoomiye degmo, iyadoo mudadii xilka maamulka Axmed Madoobe uu gabaabsi yahay.
Xubnaha uu Fartaag magacaabay waxay kala yihiin:
- C/raxmaan C/laahi Aadan (Bakaal Kooke) Guddoomiye ku xigeen koowaad ee Gobolka Gedo
- Sheekh Maxamed Al-qaadi ( Afhayeenkii Ahlusunada Koonfureed) Guddoomiye ku xigeen labaad.
- Bishaar Aadan C/kariim (Bishaar Af-jabey) Gudoomiyaha degmada Luuq
- Cadow Nuur Xasan Gudoomiyaha degmada Baardheere,
- Nuur Sh. Maxamed Buraale (Nuur Caato) Gudoomiyaha degmada Garbahaarey
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]