Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta barnaamijka shaqo ee xukuumadiisa horgeynaya Baarlamaanka Soomaaliya si uu kalsooni uga helo Golaha shacabka.
Waanwaan iyo dadaallo ay wadeen xildhibaano iyo siyaasiyiin ayaa lagu guuleystay in xal loogu helo muran ka dhashay qoraalkii talo soo jeedinta xildhibaanada iyo Guddoonka Baaralmaanka ee ku saabsanaa in wax ka bedel lagu sameeyo, laakiin waxaa weli taagan in xildhibaano aan yareyn ay ka horjeedaan xukuumaddan.
Qorshaha Ra;iisal wasaare Kheyrre ayaa ah in isla maanta codka kalsoonida loo qaadoxukuumadda, laakiin waxay xaq u leeyihiin xildhibaanada inay mudo 48 saacadood ah soo akhristaan qorshaha xukuumadda.
Haddii ay taasi dhacdo waxaa dib u dhac kale ku imaan karaa u codeynta xukuumadda, waana dagaalka siyaasadeed ee u haray xukuumadda oo 42 ka mida ay xildhibaanada ka mid yihiin. Waxa markaas dhaceysa in loo baahdo soo jeedin cod u qaadis oo ay dalbadaan xildhibaanada taageersan xukuumadda.
Guddoominta shirka maanta ee guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa rajo badan gelisay wasiirada xukuumadda cusub iyagoo u arka inay ka badbaadeen Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ansixinta xukuumadda ku adkeyn karay.
Waxaa la saadaalinayaa inay xukuumadda heli doonto codka kalsoonida haddii ay wax waliba u dhacaan sida la qorsheeyay oo codad u dhaxeeya 150 ilaa 160 ay heli karto, oo aanay aanu imaan isbedel aan la fileyn.
Wadani.com