Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Caalamka»Colin Powell: Madowgii ugu horeeyay ee xilal Sare ka qabtay Mareykanka oo Geeriyooday

    Colin Powell: Madowgii ugu horeeyay ee xilal Sare ka qabtay Mareykanka oo Geeriyooday

    October 18, 2021Updated:October 18, 20212 Mins Read Caalamka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Collin Powel taariikhda uu galay ka sokow waxaa sumcadiisa dhaawacay ololihiisii dagaalkii Ciraaq lagu qaaday iyo Dhaladii Kiimikada ee uu la tegay Q/Midoobay

    Ninkii Madow ah ee ugu horeeyay dalka Marekanka oo noqda xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Milateri ahaan sarkaalkii ugu darayo sareeyay ee Colin Powell ayaa geeriyooday.

    Wuxuu kaloo Collin Powell soo noqday la-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, waxaana maanta la shaaciyey inuu u dhintay caafimaad xumo ka dhlatayu cudurka Covid-19, inkastoo laga tallaalay cudurka.

    Powell ayaa 84 sano jir, wuxuuna muddo dheer ka tirsanaa xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareykanka. “Waxaan luminay sey cajiib ah, aabbe jeclaa qoyskiisa, awoowe iyo muwaaddin Ameerikaan weyn,” ayay geeridiisa ku shaaciyeen qoyskiisu farriin ay soo dhigeen Facebook.

    Powell wuxuu ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka hormuudka u ah madowga Mareykanka muddo tobanaan sano ah. Waxaa xilal sare u magacaabay magacaabay seddex madaxweyne oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, isagoo noqdey sarkaalkii ugu sareeyay ee madow oo gaara darajada ciidamada ugu sareysa.

    Waxaa dhaawac weyn kasoo gaaray qeybtii uu ku lahaa dagaalkii Mareykanku ku qaaday dalka Ciraaq ee kumanaanka qof ku dhinteen, isagoo ku caan baxay khudbadii uu ka jeediyey golaha Amniga Q/Midoobay ee uu ku muujiyey dhalo yar oo uu soo qaatay inay dowladii Sadaam Xuseen heysto Hubka Kiimikada ah sida Anthrax oo uu Dhalo kusoo qaatay, taasoo markii danbe been noqotay.

    Powell, oo ku dhaawacmay dalka Vietnam, wuxuu soo noqday la-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka intii uu Madaxweyne Ronald Reagan joogay 1987 ilaa 1989. Isagoo Jeneraal Ciidan ah ayaa wuxuu ahaa guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada ee Wadajirka ah ee militariga xilligii Madaxweyne George H.W. Bush intii lagu jiray Dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii kaas oo ciidammada Mareykanku hoggaaminayo ay ka eryeen ciidamada Ciraaq deriskooda Kuwait.

    Powell, ayaa madaxweyne Bush-ka yar u magacabay xogyahii arrimaha dibadda, isagoo noqdey qofkii ugu horeeyay ee madow ah oo xilkaasi qabta. Wuxuu ka tegay xaas iyo saddex caruur ah.

    Wuxuu kasoo jeeday dalka Jamaica, iyadoo ay qoyskiisa kasoo guureen halkaasi, wuxuu markii danbe ka hor yimid madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

    Collin Powell Iraq War US
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAkhriso: Magacyada iyo Beelaha Golaha Wasiirada cusub ee Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya
    Next Article Faahfaahin: Qarax Dad shacab ah ku dhinteen oo ka dhacay duleedka degmada Balcad

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo