Qoyska Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay inuu saameyn weyn ku yeeshay cudurka Coronavirus, kadib markii uu ku dhacay tobanaan ka mida qoyskaasi Reer C/casiis Alsacuud.
Sida uu qoray wargeyska caanka ah ee New York Times wuxuu cudurka coronavirus ku dhacay xubno ka mida QoysKa Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay qaadaeen in ku dhow 150 qof oo ka mida qoyska Boqorooyada. Waxay xaaladiisu liidataa Amiirka Magaalada Riyaad Feysal Bin Bandar Bin C/casiis oo la sheegay inuu qeybta xaaladda degdega ah ku jiro.
Dhaqaatiirta ka howlgasha Isbitaalka Boqor Feysal oo lagu daweynayo xubnaha qoyska Boqortooyada ee uu haleelay cudurka Coronavirus ayaa lagu wargeliyey inay diyaargarow dheeraad ah iyo xaalad degdeg ah galaan iyadoo la sugayo amiiro iyo madax sare ee Qoyska ka mida oo cudurku soo rito la keeno, iyadoo la diyaarinayo 500 sariir, lagana saarayo isbitaalka bukaannada kale.
Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Boqorka Sacuudiga Salman Bin C/casiis inuu tegay jasiirad yar oo ku taalla Badda Cas, agagaarka magaalada Jiddah, halkaasoo uu isku go’doomiyey laguna ilaalinayo cid u tegi kartana aanay jirin.
Dhinaca kale dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan iyo qaar ka mida Wasiirada dalkaasi ay xarun ka dhigeen goob fog oo ka mida xeebta Badda Cas, halkaasoo uu hore u sheegay inuu ka hirgelinay mashruuca magaalada weyn ee Neom.