Musharaxa xilka madaxweynaha Soomaaliya C/qaadir Cosoble Cali ayaa wada olole weyn oo uu doonayo in looga hortago fursadaha uu dib ugu soo laaban karo Xasan Sheekh.
Musharaxa C/qaadir Cosoble oo doorashadii 2012 codad fiican ka helay isla markaana ku taageeray Xasan Sheekh ayaa hadda ololihii ugu weynaa ugu jira in wax kasta oo dhaca aanu soo laaban Xasan Sheekh, wuxuuna sheegay inuu wax kasta u hurayo sidii kooxda Damjadiid looga dul qaadi lahaa umadda Soomaaliyeed.
Kulan ay isugu yimaadeen shan mursahax oo ugu cadcad Beesha Hawiye ayuu maanta qabanqaabiyay musharax, waxaana halkaasi ka bilwoday isbaheysi siyaasadeed oo musharixiintan ay ku doonayaan inay iska kaashadaan sidii looga hortegi lahaa musharaxnimada Xasan Sheekh.
Musharixiinta isbaheysigan bilaabay waxay kala yihiin:
- C/qaadir Cosoble Cali
- Jibriil Ibraahim Cabdulle
- C/raxmaan C/shakuur Warsame
- Maxamud Axmed Nuur (Tarsan)
- C/naasir Maxmed Cabdulle
Isbaheysiga ayaa la sheegay inuu u furan yahay musharax kasta oo doonaya in laga hortago soo laabashada madaxweynaha xilkiisu dhammaaday oo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku takri fal hantida umadda.
Wadani.com