Dr. Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ka mid ah madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya oo fadhigiisu yahay magaalada Qaahira ee dalka Masare ayaa ka hadlay doorashada beri ka dhaceysa Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay idaacadda VOA-da ayuu ku sheegay in doorashadu ay tahay mid muhiim ah oo dadka iyo dalku u baahan yihiin, wuxuuna ugu baaqay dadka inay maalmahan faataxada akhriyaan si uu hogaanka u qabto qof dan u ah dalka iyo dadka.
Wuxuu qiray inay caqabado badan ay jiraan, isla markaana ay ka mid yihiin dalalka waaweyn iyo kuwa deriska ah, laakiin ay Alle u baryayaan in dhibaatada ka dulqaado, xaalada dalkuna ay sidii dhaanto marka laga reebo kuwa dadka qarxinaya.
DHAGEYSO WAREYSIGA