Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo hore u soo noqday wasiir iyo musharax xilka madaxweyne u tartamay ayaa sheegay in khudbadii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo jeediyay loo arki karo guul ay gaartay argagixada.
“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu qirtay in Alshabaab aan laga adkaan karin… warkaas waxay argagixisada u arki doonaan guul ay gaareen..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo farriin uu soo dhigay barta twitter-ka faallo uga bixiyay ereyo ku jiray khudbadii uu shalay madaxweyne Farmaajo ka jeediyay furitaankuu shirkii madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hadlladiisa waxaa ka mid ahaa: “Waxaa xaqiiqo in dalku ku jiro xaalad adag, wuxuuna ku jiray muddo 10 sano ah intii ay Alshabaabka nabad-diidka ah duurka galeen ayna noo diideen in dowladu istaagto oo umadda Soomaaliyeed ay nabad helaan, xaqiiqdiina ilaa iyo hadda waa ka adkaan la’ nahay ma aha inay guuleysteen, waana inaan keeno qorshihii aan uga adkaan lahayn..”