Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Tuesday, July 1
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»C/RAXMAAN C/SHAKUUR: Musharax Madaxweyne oo dhab ah Mise Boos celis…? [FAALLO]

    C/RAXMAAN C/SHAKUUR: Musharax Madaxweyne oo dhab ah Mise Boos celis…? [FAALLO]

    September 7, 20163 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Ololaha Doorashada Musharaxa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ma aha oo kaliya midka ugu dheereeya xilligan ee waa si fiican u nidaamsan marka ay timaado warbaahinta.

    Dad badan ayaa is weydiinaya in siyaasigan ay dhab ka tahay inuu isu sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxayna dib u xusuustaan halkii uu ku danbeeyay ololihiisii sanadkii 2012 oo markii dambe la waayay meel uu ku dhammaaday markii uu si aan la ogeyn uga siibtay.

    Warsame 4
    OLOLIHII MUSHARAXNIMADA MADAXWEYNE EE C/RAXMAAN C/SHAKUUR EE 2012

    Waa iska caadi in la arko siyaasiyiin badan oo xilligan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo inay si labalaab ka badan u kordhaan, maxaa yeelay intooda badan waxay ka tahay in taariikh nololeedka ay u gasho oo qura, qaar kalena waxay u been guurayaan beelahooda oo xildhibaanimo uga rabaan.

    Siyaasiga qabsaday baraha Bulshada sida FACEBOOK, Warbaahinta Gudaha, Wadooyinka Muqdisho oo sawirrada suran oo hadda leeyahay 90% in ka badan, isla markaana sameystay koox ololihiisa qaabilsan, isagoo farriimo is daba jooga soo dira, ahna ninka dhaqaajiya shirarka siyaasiyiinta mucaaradka waxaa la yaab noqon doonta haddii masraxa laga waayo marka dagaalka siyaasadeed uu gaaro halkii loo socday.

    Xuuraankeenu wuxuu sheegayaa in ka sokow sumcad xumada suuqa loo geliyay musharaxan ee ah uu Badda Soomaaliya gatay aanu C/raxmaan C/shakuur u socon inuu qabto xil madaxweyne boola-xooftadiisuna tahay indha-sarcaad lagu doonayo xil soke.

    Xilka ugu weyn ee uu doonayo C/raxmaan kama badna isbaheysi uu la sameysto musharaxa ugu culus si uu dowladda cusub meel uun uga soo galo.

    Craxmaan Cshakur
    OLOLAHA MUSHARAXA MADAXWEYNE EE C/RAXMAAN C/SHAKUUR 2016

    Wasiirkii Qorsheynta ee dowladii KMG ahayd ee Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ah ninka hadda xilka madaxweynaha isu sharxay mar kaliya ayuu heshiis caalami ah saxiixay, waana markii uu muran geliyay Xuduudka Badda Soomaaliya isagoo ku doodaya inuu amarka saaxiibkiisa Cumar C/rashiid ku saxiixay is-fahamka ay Kenya ilaa maanta ku doodeyso.

    C/raxmaan C/shakuur & Cumar C/rashiid waxay wada saaran yihiin hal Doon, nasiibka Cumar C/rashiid ku soo celiyay xilka Ra’iisal wasaarenimo ma lahayn C/raxmaan oo dowladda Xasan Sheekh kama helin wax ka badan La-taliye Madaxweyne, dhinacaasina wuxuu qeyb ka leeyahay eeda waxqabad la’aan ee dowladda uu madaxweynaheeda la-taliyaha u ahaa intii aanu shaqo ka helin xafiiska siyaasadda Q/Midoobay ee Soomaaliya.

    Isku soo duuboo Musharax madaxweyne C/raxmaan C/shakuur uma muuqdo musharax dhab ah oo u taagan xilka Madaxweyne ee waa boos celis siyaasigu ku doonayo inuu uga baxo abaartii xil la’aaneed ee ka soo wajahday dowladii Xasan Sheekh.

    FAALLO

    Wadani.com

    C/raxmaan C/shakuur Doorashada 2016 Musharax madaxweyne
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleXOG CULUS: Itoobiya & IGAD oo Madaxweyne ka soo jeeda Hiiraan ku caleemo saaraya Shirka Jowhar
    Next Article Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kashifay sababta loo hakiyay Qaadka ka yimaada Kenya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo