Musharax C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta u sharxan jagada madaxweynaha Soomaaliya
ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 9 Septembar aanu Xasan Sheekh sheegan karin madaxweyne, loona baahan yahay inuu xilka ka dego oo la dhiso dowladda KMG ah.
“Arrinta waxay taagan tahay haddii xilliga dhammaado sidee la yeelaa, Xasan Sheekh iyo Cumar C/rashiid wixii ka dambeeya 9-ka Sepember waa inay xilalka wareejiyaan, annaga nala mid noqdaan, sharciyadii waa ka dhammaatay..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo u warramay mid ka mida idaacadaha Muqdisho.
Wuxuu ku eedeeyay dowladda Xasan Sheekh inay ku fashilantay wax waliba oo ay balan qaaday, isla markaana aysan cudurdaar ka dhigan karin xaalad iyo caqabado maadaama loo doortay inay xaaladaasi dalka ka gudbiyaan. Wuxuuna soo jeediyay in dalka loo sameynayo dowlad KMG ah oo doorashada hirgelisa.
“Waxaa muuqata inay doorasho ku dhici karin xiligii loo qorsheeyay, waxaan Golaha Ammaanka meel u yaala qaraar lagu caddeeyay inaan hal maalin loogu dari karin hay;adaha dowladda ee hadda jira, siiba fulinta iyo madaxtooyada” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo carrabaabay in guddoomiyaha Baarlamaanka noqon karo madaxweyne KMG ah.
AKHRI: WARBIXINTA GOOBJOOGE
http://goobjooge.com/prof-jawaari-oo-loo-diyaarinayo-madaxweyne-kmg-ah/
Wadani.com