Culumada ururka Ictisaam ee Puntland ayaa ka hadlay weerarkii Alshabaab ku qaadeen degaanada Puntland iyo hadalkii dhowaan ka soo yeeray Afhayeenka Alshabaab ee ahaa inay degaanada Puntland ku xukumaan Shareecada Islaamka.
Culimadan oo ahaa kuwa ugu waaweyn jameecada ayaa ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Alshabaab kulan diini ah oo ka dhacay magaalada Garowe, waxayna waxba kama jiraan ku tilmaameen jihaadka ay sheeganeyso Alshabaab.
Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ahaa culimadii kulanka ka hadashay ayaa sheegay in Al- Shabaab ay garab mareen Shareecada Islaamka, ayna xaq tahay in ayaga loo bandhigo Shareecada Islaamka, wuxuuna si toos uga jawaabay hadalkii Afhayeenka kooxdaas Cali Dheere.
DHAGEYSO SHEEKHA
Wadani.com