Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa digniin kasoo saartay Bandhig faneed lagu qabanayo magaalada Muqdisho, iyadoo ku baaqday in la joojiyo.
Shir jaraa’id oo goor dhow ay Magaalada Muqdisho ku qabteen Culimadda ayay sheegeen inuu bandhiggaasi yahay fasaad iyo halis ku socota diinta islaamka. Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Somaliyed ayaa dowladda Soomaaliya ugu yeeray inay ka hortagto bandhig faneedkaasi.
“Hay’adda Culimadda waxay caddeynaysaa in kuwa waxaas abaabulaya ay yihiin kuwa halis ku ah diinta iyo dalka, fidinaya, fisqi iyo fuxshi, Umadda iyo naftoodaba u horseedaya halaag aduun iyo Cadaab aakhiro.” Ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen Culimadda Soomaaliyeed.
Hay’adda Culimadda Somaliyed ayaa Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya uga digtay arrimaha marin habaabinaya Bulshada Soomaaliyed, waxaana ay ugu baaqday in arrintaan si degdeg ah wax looga qabto.
Waxaa magaalada Muqdisho yimid Fanaaniin qurbe joog ah oo aan anshax badan lagu sheegin, kuwaasoo wada abaabul bandhig faneed lacag ah oo lagu qabanayo Hoteelda Magaalada Muqdisho.