Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay qaar ka mida koox culimo ah oo dhowaan ku dhawaaqday koox diimeed la baxday Saaddicuuna Bil-xaq.
Ciidamadan Booliska Somaliland ayaa xabsiga dhigay saddex ka mid ah kooxdan, sida uu sheegay taliyaha ciidamada Booliska Somaliland Cabdullahi Fadal Iimaan.
Maxkamadda Somaliland ayaa qoraal lagu soo xirayo culimadaasi soo saartay, waxayna kooxdani ahayd mid muran weyn ka dhalisay degaanada Soomaalida.
Kooxdan Saaddicuuna Bil-xaq ayaa mar qura looga dhawaaqay todobaadkii hore dalalka Masar, Soomaaliya, Kuweyd iyo Liibiya, iyadoo lagu eedeeyay inay yihiin takfiir ah oo muslimiinta gaaleysiisa.
Wadani.com