Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharma’arke ayaa ka digay qalalaase ay dhaliyaan habka loo maamulayo Doorashada dadban ee dalka, kadib war-murtiyeedkii kasoo baxya shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.
Qoraal uu soo saaray Cumar C/rashiid ayuu ku sheegay in Madaxda Maamul Goboleedyada ay ku guuleysteen inay xoojiyaan awoodda ay ku leeyihiin maamulka Doorashooyinka Aqalka Hoose ee Golh Shacabka.
“War-murtiyeedka soo baxay wuxuu wax u dhimey hufnaantii geedi-socodka ookeeni kara inuu kiciyo xiisado cusub oo ah inay rabshado dhacaan. Waxaa loo baaha yahay Dib -u-eegis degdeg ah” ayuu yiri Cumar C/rashiid.
Habraacyada cusub ee ay soo saareen Madasha Qaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda dowlad Goboleedyada ayaa si weyn loogu dhaliilay inay Doorashada saameyn weyn ku yeesheen.
