Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo maanta ku kulamaya magaalada Gaalkacyo.
Kulankan labada madaxaweyne ee Puntland iyo Galmudug C/weli Maxamed Cali iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka mid ahaa wadahadal telefoonka ku dhex maray oo ay ka qeyb galeen wakiilka Q/Midoobay iyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Kulanka magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyo xubno ka tirsan Golaha Abwaanada.
Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Arrimaha Soomaaliya, Micheal Keating ayaa isna ku biiraya wadahadalka, waxayna wadahadallada ka dhacayaan garoonka Gaalkacyo.
Wadahadalka ayaa intiisa badan ku saabsan sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada labada dhinac ee isku hor fadhiya galbeedka Gaalkacyo.
Heshiis ay labada dhinac hore uga gaareen dagaalka Gaalkacyo bishii Decembar 2015 ayaa fulin waayay, sidoo kale heshiis dhowaan lagu gaaray Magaalada Abu Dubai ayaa isna socon waayay.
Wadani.com