Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo wafdi Itoobiyaan ayaa la sheegay inay ku sii jeedaan magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.
Ujeedka socdaalka labada dhinac ayaa lagu sheegay qorshe lagu doonayo in heshiis looga dhex dhaliyo maamulka Galmudug iyo Ahlu suna oo ay Itoobiya ka soo shaqeysay.
Maamulka Ahlu suna ayaa ka horjeeda maamulka Galmudug ee dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ay taageeraan, waxaana hore u fashilmay dadaallo ay ka dhex waday labada dhinac dowladda Itoobiya.
Ahlu sunna ayaan qeyb ka ahaydn xaaladda kala guurka ah iyo doorashada 2016, waxaana hadda socda sidii loogu qancin lahaa inay ku biiraan.
Wadani.com