Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa ku eedeeyay ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya
inay xireen oday ka mida odayaasha dhaqanka ee beelaha Waqooyi ee ka tirsan 135-ta oday.
Qoraal uu soo saaray Ra’iisal wasaaraha oo loo kala diray Hay’adaha ammaanka, Guddiyada Doorashooyinka iyo beesha caalamka ayuu ku sheegay in Ammaanka Doorashada ay u xil saaran yihiin guddi loo magacaabay, wuxuuna ciidamada NISA ku amray inay faraha kala baxaan arrimaha Doorashooyinka.
Loolanka u dhaxeeya musharixiinta xilka madaxweynaha, siiba madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihiisa ayaa sii xoogeystay iyadoo wararku sheegayaan in oday dhaqameedka awoodda loo adeegsaday uu taageersanaa mushrax uu wato Cumar C/rashiid.
QORAALKA HOOS KA AKHRI