Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa kashifay qorshe muddo kordhin ah oo dowladda Federaalka u baahan tahay si loo qabto doorashooyinka 2016 oo waqtiga haray aad ugu yar yahay.
Isagoo ka hadlayay Warbaahinta Dowaladda ayuu sheegay Cumar C/rashiid in howlo badan ay horyaalan Golayaasha dowladda Federaalka una baahan doonaan waqi kooban in la siiyo si loogu dhameeyo howlahaDoorashda 2016.
Cumar C/rashiid ma sheein muddada ay u baahan yihiin in xilka loo kordhiyo, laakiin waxay wararka qaarkood sheegayaan inay u dhaxeyso 4 ilaa 6 bilood.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa hore u go’aamiyay inaysan jirin doonin wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo dowladda hadda jirta, iyadoo ay isla qaateen madaxda Madasha Qaran, waxaase hadda muuqata in la wado qorshe muddo kala guur in loo baahnaan doono.
Wadani.com