Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali  iyo wafi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiiro ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Socdaalkan oo muddo qabanqaabadiisa socotay ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay Garowe wadahadal ku leeyihiin hogaamiyeyaasha Puntland iyo Juba C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo isu baheystay ka horjeedka dowladda Federaalka.
Baarlamaanka Goboleedka Puntland ayaa isna shalay soo saaray go’aano ay ka mid yihiin inay sharci darro ku tilmaameen Dastuurka KMG ah ee hadda lagu dhaqmo iyo howlihii uu qabtay Baarlamaanka Federaalka sida xeerarka iyo guddiyada Qaran ee la ansixiyay.
Lama oga waxa socdaalka Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku soo kordhin doono xaalada ka sii dareysa ee ka jirta Garowe, iyadoo aanu weli wax muuqata ka qaban khilaafka dowladda Federaalka iyo Juba oo uu ku dhex jiray muddooyinkii danbe.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]