Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali (Sharma’arke) ayaa Muqdisho ku soo laabtay galabnimadiid maanta kadib markii uu socdaal saacado qaatay ku tegay m agaalada Kismaayo isagoo ka soo laabtay socdaal uu ku aaday dalka Mareykanka.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa wadahadal magaalada Kismaayo kula yeeshay hogaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, wuxuuna inay isla meel dhigeen xalinta arrinta Wakiilada Maamulka Juba ee Baarlamaanka Soomaaliya sharci darrada ka dhigay.
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Madaxda Kismaayo ay kala hadleen cabashada ka taagan dhismaha Baarlamaanka Jubba, iyo in la soo celiyo kalsoonidii iyo xiriirka dowladda kala dhaxeeyay Maamul Jubba. Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa xaqiijiyay inuu madaxda Jubba ku casuumay inay Muqdisho yimadaan si arrimaha dhiman la iskula meel dhigo.
Waxaa sidoo kale qabanqaabadiisa socotaa shir ay madaxda maamulada dalka ku yeeshaan magaalada Muqdisho iyadoo la ogyahay in xiisado ka dhex jiraan dhammaan maamulada iyo dowlada federaalka.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]