Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ee xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo.
Cumar C/rashiid ayaa socdaalkii saddexaad muddo 30 maalmood ah ku jooga magaalada Kismaayo, wuxuuna xalay iyo maanta kulamo kala duwan la yeeshay xildhibaanada lagu doortay magaalada Kismaayo ee labada aqal ee Baarlamaanka.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya uu durba bilaabay ololihiisa doorashada isagoo ilaa iyo hadda ah musharaxa ugu dhaqdhaqaaqa badan ee u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.
Warar ayaa sheegaya inuu Cumar C/rashiid in ku dhow 10 xildhibaan ka qortay magaalada Kismaayo, kuwaasoo taageeraya musharaxnimadiisa.
Wadani.com