Iyadoo ololaha Doorashada xilka madaxweynaha sii xoogeysanayo ayaa waxaa durba soo baxay qiimihii ugu horeeyay ee lagu furay suuqa kala iibsiga codadka xildhibaanada labada Aqal.
Cumar C/rashiid ayaa noqday mushixii ugu horeeyay ee qiime bilow ah u gooya codka xildhibaanada dooranaya Madaxweynaha, waxaana musharaxan oo taageero weyn ka heysta Imaaraadka Carabta laga soo xigtay inuusan ka baqeynin dhaqaale darro.
Xogta laga helay kooxda ololaha Ra’iisal wasaaraah xilligiisu dhammaaday ayaa sheegeysa in codka halkii xildhibaan uu diyaar ula yahay lacag gaareysa 100,000$ (Boqol kun Doolar), iyadoo uu beecani yahay gorgortanka koowaad ee codka, wuxuuna gaari karaa ilaa 300,000$.
Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa dhowaan saadaaliyay in kursiga xildhibaanka ee Doorashada madaxweynaha sanadkan uu gaari karo Hal milyan oo doolar, waxaana jira in dowlado ay ku soo biireen dhaqaale bixinta doorashada Soomaaliya oo markii hore ku koobneyd ganasato iyo hanti qaran oo la boobay.
Wadani.com