Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii haya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ayaa caawa safar degdeg ku gaaray magaalada Nairobi.
Cumar C/rashiid oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa socdaalkiisa lagu saleeyay mid ku saabsan ololihiisa doorashada oo hoos u dhac weyn soo wajahay, waxayna wararku sheegayaan inuu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan dalka Kenya.
Safarka Cumar ayaa ku so beegmay isagoo dhowaan dalalka deriska ah ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan doorashada Soomaaliya iyo maalin kadib markii Maxkamadda adduunka ay go’aamisay inay qaadi karto dacwadda Badda ee dhex taalla Kenya iyo Soomaaliya.
Ololaha doorashada madaxweynaha ayaa maraya heerkii ugu danbeysay iyadoo toddobaad wax ka yar ay ka harsan tahay.
Wadani.com