Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa sheegay in deegaanada Puntland aan looga ciidamo ka socdo AMISOM oo ciidamada Puntland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay ku filan yihiin dagaalka kasocda degaanada Putnland.
Ra’iisal wasaaraha oo shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho kadib safar dheer oo dalka Talyaaniga uu ku tegay ayaa sheegay inay wixii ay awoodaan ku taageerayaan ciidamada Puntland.
“Waxay kooxda argagixisada ee Alshabaab isku dayayaan inay firxadaan oo degaano badan gaaraan, taasina waan ka hortegaynaa, dowladda iyo maamulada waa iska kaashanayaan..” ayuu yiri Cumar C/rashiid.
DHAGEYSO CUMAR C/RASHIID
GOOBJOOGE.COM