Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmar’arke oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay martigelinta shirka caalamiga ah ee looga hadlayo dhameystirka Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, kaasoo 29-ka bishan ka dhici doona magaalada Muqdisho.

“Weerarrada argagixisada ay ka geysteen Magaalada Muqdisho looma baajin doono horumarka iyo Hore socodka Dowladda Soomaaliya” ayuu yiri Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo intaas raaciyay: “Falalka argagixiso ee lala beegsanayo Hoteellada iyo Xarumaha Ganacsiga ma joojin karaan horumarka dalka”.
Ra’iisal wasaaraha wuxuu digniin u diray kuwa ka dambeeya weerarrada argagixiso, isagoo sheegay inaysan ka baxsan doonib Awoodda Ciidamadda dalka oo gacanta lagu soo dhigi doono.
Wuxuu sheegay in maalmihii ugu danbeeyay kooxda Alshabaab laga saarayaa magaalooyin cusub, iyadoo ay socdaan howlgallolooga xoreynayo degaanada ay ku sugan yihiin.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]