Guddiga Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa soo saaray hadal naxdin ku noqday musharaxiinta faraha badan ee xilka Madaxweynaha isu sharxay.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban Cumar Maxamed Cabdulle ayaa magaalada Nairobi ka sheegay in qofna aanu musharax noqon karin haddii aanu buuxin shuruudaha guddigiisa u dhigay musharaxnimada.
Cumar Dhegey ayaa shir ay jaaliyadda Soomaaliyeed kula yeesheen magaalada Nairobi wuxuu faahfaahin ka bixiyay xaaladda Doorashooyinka dalka iyo halka ay marayaan howshii guddiga loo xil saaray.
“Musharrax ma aha qof walba oo hadda ku dhawaaqaya musharaxnimadiisa ilaa ay buuxiyaan shuruudaha loo diyaariyay musharixiinta, waana i ay soo maraan guddiga hirgellinta doorashooyinka dadban” ayuu yiri guddoomiyaha Doorashada oo ku adkeeyay musharaxiinta faraha badan ee isu caleemo saaray musharax madaxweyne.
Wadani.com