Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo ku sugan dalka K/Afrika ayaa shaaciyey cidda ay u xiran yihiin wadooyinka Muqdisho, isagoo sheegay inayan isaga rabitaankiisa ahayn.
Isagoo la hadlayey jaaliyadda Soomaalida ee Johansberg, dalka K/Afrika ayuu sheegay in wadooyinka xiran ee magaalad Muqdisho aysan ahayn rabitaankiisa oo hal maalin aanu dooneyn inay xirnaadaan, laakiin wadooyinka ay u xiran yihiin arrimo amni ayna u xiran yihiin Madaxda Sare ee Dowladda Soomaaliya.
“Wadooyinka waa xiran yihiin, waa dhab inay xiran yihiin.. aniga shaqsi ahaan rabitaankeyga maaha inay hal maalin xirnaadaan.. Waxay u xiran yihiin dhibaato xagga amniga ah. Go’aanka madaxda sare qaadatay waa: intii la dhammaan lahaa, hala dhibtoodo…” ayuu yiri Duqa Muqdisho oo hore u balanqaaday markii xilka loo magacaabay inuu furayo wadooyinka xiran, isla markaana magacaabay laba guddi oo kasoo shaqeeya sidii loo furi lahaa.
Warka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aanu la wadaagin dadweynaha Muqdisho ee uu ka sheegay dalka Koonfur Afrika ayaa ahaa jawaab laga sugayey Cumar Filish, iyadoo muddooyinkii ugu danbeeyay ay dowladda Soomaaliya isku dayday inay xirto wadooyin cusub, balse ay ka hortageen dadweynaha degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa.