Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Curashada Xisbiyadda Siyaasadda Dawo ma u noqon kartaa Cudurka Qabiilka iyo Mooshinka?

    Curashada Xisbiyadda Siyaasadda Dawo ma u noqon kartaa Cudurka Qabiilka iyo Mooshinka?

    December 5, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    3 da December oo baroordiiq loo dhigi jiray musiibadii Qaraxii Shaamow ayaa shalay xus loo dhigay Curashada Axsaab Siyaasadeed oo dalka ka hana qaada kadib 47 sano. Sanadkii 2000 ee dib loo yagleelay dawladnimada Somaliya waxaa lagu heshiiyey; Axdi ku meelgaar ah, Barlamaan 225 ah, Awood-qeybsi 4.5 ah iyo 2 sano gudahood in loo guuro; Dastuur, Axsaab, Doorasho iyo Dawlad rasmi ah. Nasiib daro 17 sano waxaa socday; Qabiil siyaasadeed, ku meelgaar, gobaleysi, Mooshin iyo xasilooni daro siyaasadeed, taa oo sababtay in 17 sano gudahood ay is bedelaan 15 Xukuumadood iyo 5 Madaxweyne. Xukuumad kastana ay jirto sanad iyo bil, maxey qaban kartaa?

    Qabiil iyo Mooshin waa laba kalimadood oo Qur’aanka iyo Luqadaha ajnabiga macnahoodu ku yahay; “isbarsho iyo soo jeedin” lkn Somalidu u taqaan cudurka ugu weyn ee dila ama dumiya dawladnimada Somaliya ee Dawo ma u noqon kartaa Axsaabta la furay? Mise way sii hurinaysaa?

    Bandhigii waxqadabka Xukuumada 8 dii bilood ee lasoo dhaafay ee habeen hore ka dhacday Muqdisho waxaa Wasiiro ka tirsan Xukuumada xuseen in Axsaab iyo Xildhibaano ka tirsan labada aqal ay bilaabeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Xukuumada aan weli dhameysan hal sano, taa oo caqabad ku noqon karta guulaha ay soo bandhigtay Xukuumadu iyo himilada doorashada 2020, qabya-tirka dastuurka iyo dhismaha Axsaabta badan ee dalka.

    Taariikhda Mooshinadii lagu ridi jiray Xukuumadii hore iyo kan la sheegay bilawgiisa waxey ku kala duwanyihiin astaama ka dhigi kara mid adag oo aan xiligaan lagu guuleysan karin;
    1. Mooshinadii hore waxaa lahaa kaliya golaha shacabka, halka midkaan uu ka dhaxeeyo labada Aqal oo kala aragti iyo dana duwan, tiradooda oo gaareysa 329.

    2. Golihii shacabka ee hore waxey ku imaan jireen Qabiil kaliya, halka labada Aqal ee hada jooga ay ku yimaadeen Qabiil iyo Gobalo kala dana duwan, saameyna ku leh.

    3. Mooshinadii hore waxaa lagu bilaabi jiray laguna ridi jiray Xukuumada, halka midkaan lagu bilaabay Madaxweynaha, waana arin ku ugub siyaadada Somaliya oo horey uma dhicin Madaxweyne lagu riday Mooshin.

    4. Mooshinadii hore waxey ka imaan jireen Somaali dhexdeeda, halka midkaan lagu tuhmayo in dibada ay ka riixayaan quwado shisheeye oo Somalidu xasaasiyad ka qabto, sidii ku dhacday Madaxweynihii hore markii lagu tuhmay in ololihiisa ay gadaal ka riixayso Itoobiya.

    5. Mooshinadii hore waxaa bilaabi jiray Xildhibaanada Qabiilka kursiga loo socdo, halka midkaan ay bilaabeen Qabiil xafiiltan ka dhexeeyo dhexdooda, kuwa kalena uu kala dhexeeyo.

    6. Xildhibaanada labada Aqal markii ay galayeen doorashada waxey saxiixeen Axdi iyo balanqaad in ay laba sano gudahood ku kala biiraan Axsaab Qaran, waxa aan laga aqbali karin in ay Qabiil, Kooxeysi iyo Gobaleysi ay isku abaabulaan maanta iyada oo laga sugayey in ay furtaan ama ku biiraan Axsaab Qaran.

    Hadaba waxaa is weydiin mudan su’aalahaan lagu wareeray;

    A. Shalay waxaa Xisbiya furtay laba Xildhibaan kaliya! Aaway kuwii kale? Maxey sugayaan oo dib u dhigay?

    B. Shalay waxaa la diiwaan geliyey 7 Xisbi kaliya! Aaway kuwii kale ee doorashada horey ugu soo galay magac Xisbi ama horey usoo bandhigay ama lagu tuhmay in ay ka danbeeyaan Mooshinka laga qeyliyey sida; PDP, Wadajir, Daljir, Kulan iwm, oo shalay goobtii laga waayey, markii laga reebo Xisbul-xaakimka Tayo oo goobta laga sheegay in uu maalmaha soo socda imaan-doono isaga oo ulihiisa iyo udbihiisa wata!!!

    Hadaba imaanshaha soo daaha ayaa ka fiican maqnaashaha, iyo in la cuno dawo qaraar si looga caafimaado cudurka Qabiilka iyo Mooshinka, degdegna loogu guuro Xisbiyo ku dhisan sharci, mabaadi’, aragti siyaasadeed iyo dhaqan dawladnimo.

    W/Q: Maxamed Nur Gacal

    Mooshin Qabiil Xisbiyada
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleAxmed Madoobe Shariif & Shariif Xasan oo hadallo is-khilaafsan ka jeediyay Shirkii Amniga
    Next Article DHAGEYSO: Wasiirka Amniga oo shaaciyey dalal Yurub ah oo taageeraya Booliska & NISA

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo