Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo ay weheliyaan wafdi balaaran oo ka kooban golayaasha Puntland iyo ururada bulshada ayaa maanta 18-10-2015 gaaray magaalada muqdisho kadib markii ay kasoo anbabaxeen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Wafdiga Puntland Cabdiweli Cali Gaas waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Airport ee Muqdisho si weyn ugu soo dhoweeyey Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo isaguna garoonka ka duulayay isagoo ku sii jeeday Qaarada Yurub iyo gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo sidoo kale qaar ka mid ah Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadweyne tiro badan.
Waxaa warbaahinta la hadlay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali (Gaas), iyo Axmed Madoobe waxayna sheegeen in shirkii wadatashiga qeybtiisii labaad ee loo balansanaa ay ka qayb geli doonaan isla markaana lasii anba qaadi doono ajendayaashii ku salaysnaa xaaladda siyaasadeed ee Somalia iyo 2016.
Wafdiga Puntland waxaa la dejiyay xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqidsho, halkaas oo ay ku sugnaan doonaan mudada ay ka qeyb galayaan shirka wadatashiga ee magaalada Muqdisho.
Wadani.com