Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntlandd C/weli Maxamed Cali Gaasayaa sheega in maamulkiisu qeyb ka ahaa isbedelka dhacay.
Wuxuu sheegay inuu aqoon fiican u leeyahay Farmaajo, isagoo wasiir ka ahaa xukuumadiisa, isla markaana uu wax badan qaban karo, niyadiisuna fiican tahay.
“Aqoon fiican ayaan u leeyahay.. Farmaajo waa nin fiican oo daacad ah, shaqo fiicanna qaban kara…” ayuu yiri C/weli Gaas oo hore loogu eedeeyay inuu ololaha doorashada qeyb ka ahaa, isla markaana uu taageerayay Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
DHAGEYSO CODKA GAAS
Wadani.com