Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C/weli Gaas ayaa caawa ku haray magaalada Kismaayo oo kulamo gaar ay uga socdaan isaga iyo Axmed Madoobe.
Labada nin oo hore isbaheysi u lahaa, isla markaana isku mowqif ka ah qaabka loo qabanayo doorashada sanadkan ayaa caawa kulan uga socdaan magaalada Kismaayo, waxaana ay ka hadlayaan mowqifkooda kadib fashilkii ku yimid shirkii Kismaayo ee afarta maalmood socday.
Labada nin ayaa is tusay in qaabka degaanka ay dan weyn ugu jirto beeshooda, waxaana ay ku adkeysteen in qaabkaasi lagu soo xulo ugu yaraan aqalka sare ee Baarlamaanka, taasoo ay ka biyo diideen labada madaxweyne ee Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed oo iyaguna heysta nidaamka 4.5
Heshiis darrada madaxda Soomaalida ayaa saldhig looga dhigayaa loolan awood oo dhinaca qabiilka ah oo qarsoon una dhaxeysa beelaha waaweyn oo mid kasta doonaya inuu badsado.
Wadani.com