Madaxweynaha maamul goboleeda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda ayaa galabta ka degay
Garoonka diyaaradaha ee Adan Cabdulle Airport, iyadoo ay wehliyaan ciidamo dhan horin (10 nin) oo aalaaba uu kaxeyso marka uu Muqdisho tegayo.
Gaas isla markii uu garoonka Muqdisho tegay waxaa kulan isla garoonka ugu yeeray ku xigeenka Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo aan la shaacin wixii ay ka wadahadleen, waxayse xubnaha wafdiga Gaas sheegeen in kulanku ku saabsanaa xaalada kala guurka ee Soomaaliya iyo doorashada lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka qeyb galaya shirka madaxda Soomaalida ee Madasha Qaran la baxay uga furmi doona magaalada Muqdisho.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com