Madaxweynayaasha maamulada Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) iyo Puntalnd C/kariin Guuleed ayaa heshiis cusub ku gaaray magaalada Muqdisho.
Heshiiskan oo saxiixiisa ay goobjoog ka ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ergeyga Q/Midoobay Micheal Keating ayaa laga soo saaray qoddobo heshiis cusub ah oo ku saabsan xaaladda magaalada Gaalkacyo.
Qodobada ay ku heshiiyeen Labada Madaxweyne ee C/kariin Xuseen Guuleed iyo C/wali Maxamed Cali Gaas waxay kala yihiin:
- In si degdeg ah la isugu furo isku socodka dadka iyo Gaadiidka labada dhinac ee magaalada Gaalkacy, lana kala qaado ciidamada.
- In magaalada la geeyo ciidamo Boolis ah oo labada dhinac ah
- In bisha Ferbaayo 2017 la iskugu soo laabto wadahadallo rasmi ah.
Heshiiskan ayaa la sheegay inay kasoo shaqeysay Qaramada Midoobay iyadoo hore labada dhinac ay saxiixeen saddex heshiis oo qeybo ka mida aan weli la fulin.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland ayaa ballanqaaday inay fulinayaan heshiiska cusub ee ay maanta ku saxiixeen magaalada Muqdisho.
Wadani.com