Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland C/Weli Maxamed Cali Gaas oo ka mida madaxda Madasha Qaran
ee ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in waqti dheeraad ah loo baahan yahay si doorashadu u dhacdo.
Isagoo wareysi siiyay idaacadda VOA-da ayuu sheegay in dib loo dhigay doorashadii Madaxda Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda Federaalka ugu yaraan muddo laba bilood oo kale (ilaa November).
WuxuuWaraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay in inkastoo aysan madaxdu isla gaadhin heshiis kama dambays ah laakiin uu aamisan yahay in qorshaha doorashooyinka lagu dhammaystiri karo laba bilood.
Mudane Gaas ayaa sheegay shirka hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka aanu go’aan ka soo bixin, balse ay arrintu tahay in muddo la helo laba bilood ah.
DHAGEYSO WAREYSIGA C/WELI GAAS
Wadani.com