Madaxweynaha Puntland C/Weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aalo ay rabeen xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland inay weydiiyaan oo ku saabsan xaalada maamulka uu hogaamiyo ee Puntland oo ay ka mid yihiin arrimo xasaasi ah oo maamulkaasi dhibaato ku haya.
Furitaankii kafadhiga 36-aad ee golaha wakiilada Puntland oo C/weli Gaas u tegay magaalada Garowe ayaa xildhibaanada qaarkood isku diyaariyay inay madaxweyne Gaas su’aalo weydiiyaan, waxaase arrintaas la joojiyay markii C/weli Gaas la sheegay inaysan jirin su’aalo uu ka jawaabayo.
Arrimaha ugu waaweyn ee wax lahga weydiinayo Madaxweynaha Puntland waxaa ka mida:
-
Lacago Shilin Soomaali faalse ah oo Ganacsato iyo maamulka Puntland ku daabacaan magaalada Boosaaso.
Lacagahan waxay ka mid yihiin kuwa faalsada ah ee Boosaaso lagu sameeyo ayna ku shirkoobeen xukuumada Puntland iyo ganacsato -
Mushaar la’aan heysata ciidamada maamulka Puntland
Qaar ka mida ciidamada Puntland ma qaadan mushaar wax ka badan 5 bilood -
Go’aanadii maamulka Puntland ka gaaray dowladda Federaalka oo la fulin waayay
Madaxweyne Gaas wuxuu si joogto ah uga qeyb galaa shirarka heer federaal -
Xaaladda xukuumadda Puntland oo saddex bilood aan wax shir ah yeelan
Xukuumada Puntland meel iskuma sheegin wax shir ahna ma yeelan muddo 3 bilood ah intii Gaas fariisin ka dhigtay Gaalkacyo -
Iyo arrimo kale
Wadani.com